Kenya oo dib u eegis ku sameynaysa maamullada qaabilsan xakameynta

0
148

Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in dowladdu ay ka baaran dagaysa in la isku biiriyo hay’ado dhowr ah oo qaabilsan dhanka xakameynta ee (RAAs).
Waxaa uu ismaamulka Mombasa ka sheegay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay wanaajinta waxqabadka wakaaladahan.
Musalia ayaa laga soo xigtay in go’aankan la qaatay ka dib markii ay soo baxday in maamulladan ay qabtaan shaqooyin isku mid ah oo la is waafajin karo.
Waxaa uu ku celceliyay in qorshuhu uu yahay in xal loo helo luminta kheyraadka dadweynaha.
Madaxa wasiirrada ee dalka ayaa tilmaamay in Kenya ay hadda ka jiraan 78 ah hay’adaha dowladda ee xakameynta arrimaha kala duwan sidaasi awgeedna loo baahan yahay in tiradan la yareeyo.