Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay diyaar u tahay sare u qaadidda xiriirka dhanka ganacsiga , difaaca iyo siyaasadda ee kala dhexeeya boqortooyada Ingiriiska.
Ruto oo u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska Keir Starmer ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah.
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayuu hoggaamiyaha qaranka ku sheegay in ay xiriirkan ka wada faa’iidaan muwaadiniinta labada dhinac.
Ruto ayaa guusha uu soo hooyay Sir Keir Starmer ku tilmaamay mid caddeyn u ah sida ay shacabka UK ugu baahan yihiin siyaasadda hor u socodka ku saleysan iyo xeerarka xisbiga shaqaalaha ee Labour Party.