Kenya oo codkeeda ku taageertay qaraar lagu dalbanaya joojinta duqeymaha Qaza

0
206

Dowladda Kenya ayaa u codeysay qaraarka qaramada midoobay oo Israa’iil looga dalbanaya inay joojiso duqeymaha ay ka wado magaalada Qaza ee dalka Falastiin.
Wakiilka Kenya ku matalo qaramada midoobay Ambasadoor Martin Kimani ayaa sheegay inay qorshahan garab siinayaan iyagoo tixgelinaya wax ka qabashada baahiyaha baniaadannimo ee ka jira Qaza.
Hasa ahaate wuxuu xusay in jimciyadda qurumaha ka dhexeysa iyo si guud beesha caalamka laga doonayo inay si cad u cambaareeyaan weerarkii uu ururka Xamaas Israa’iil ku qaaday 7-dii bishan Tobnaad.
Martin Kimani oo weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixisannimo ayaa hoosta ka xarriiqay in Xamaas oo xilligaasi sida uu hadalka u dhigay daandaansatay Israa’iil ay horseedday xaaladda hadda taagan.
Wuxuu intaasi ku daray in dowladda Kenya ay garab ku siisay Canada isbeddel ay soo saartay kaasoo lagu cambaareynayay Xamaas.
Martin Kimani ayaa sheegay in golaha guud ee qaramada midoobay uu tallaabo qaaday halka golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa uu weli la daala dhacaya la tacaalidda khatarrada amni iyo kuwa nabadgalyo ee caalamiga ah.
Wakiilka Kenya ee qaramada midoobay ayaa sheegay inay dhageysteen wakiillo kala matalayay Israa’iil iyo Falastiin oo ay ka xumaadeen sida labada dhinac aynan beer-jilleec ugu muujin dadka rayidka ee la dilay.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay caqabad aasaasi ah ku tahay xallinta colaadda muddo soo jirtay.
Ambasadoor Martin Kimani ayaa dhanka kale tacsi u diray dadkii Israa’iil looga dilay weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishan.
Waxaa bayaanka uu akhrinayay uu ku sheegay in maalinkaasi Xamaas ay weerar dhanka dhulka , cirka iyo badda ah ku qaadday 22 goob oo ku yaalla Israa’iil.
Waxaa falkaasi ku dhintay in ka badan 1,400 oo qof , waxaa la dhaawacay 5000 halka gacanta lagu dhigay 200 oo maxaabiis ama la-haystayaal ah.
Kenya ayaa sheegtay inay cambaareynaysa weerarkii Xamaas oo ay ka dalbanaysa inay si degdeg ah u soo siidaayaan maxaabiista .
Sidoo kale Martin Kimani ayaa sheegay inay Xamaas ka dalbanayaan inay joojiso in rayidka laga dhigto gabbaadka dagaalka.
Sidoo kale Kenya ayaa dhammaan xubnaha qaramada midoobay ugu baaqday inay dardargeliyaan dadaallada lagu caburinaya maalgelinta kooxaha argagixisada ah.
Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya aynan marnaba oggolayn in argagixisannimada loo adeegsado diidmo siyaasadeed.
Martin Kimani ayaa sheegay in nolosha shacabka Falastiin ay muhiim tahay si la mid ah tan shacabka kale.
Waxaa uu xusay in duqeymaha Israa’iil ee ka dhan ah Xamaas lagu dilay kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin boqolaal carruur ah iyadoo kaabayaal la burburiyay.
Waxaa uu tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen 38 ka mid ahaa shaqaalaha qaramada midoobay oo Qaza lagu dilay.
Kenya ayaa dhanka kale qaramada midoobay , Masar, Jordan iyo qaybaha kale uga mahadcelisay furitaanka marinka Rafah ee laga gudbinaya gargaarka baniaadannimo ee la geynaya Qaza.
Waxaa uu Israa’il iyo dalalka dariska la ah ku boorriyay inay xaqiijiyaan in aan la is hor taagin gargaarka.
Sidoo kale militariga Israa’iil ayuu kula taliyay inuu sameeyo taxaddar kasta oo shacabka iyo kaabayaasha rayidka looga badbaadinaya duqeymaha.