Kenya oo cambaareysay iskudaygii afgembi ee DRC

0
364

Dowladda Kenya ayaa si kulul u cambaareysay iskudaygii afgembi ee Axaddii laga soo tabiyay jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’Oei ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid baalmarsan dhaqamada wanaagsan.
Bayaanka xafiiska arrimaha dibadda ee Kenya waxaa ku cad in ay ku biirayaan ururka dalalka ku teedhsan harooyinka waawayn ee (ICGLR) oo ka kooban ilaa 12 xubnood oo cambaareeyay iskudayga afgembi ee la fashiliyay.