Kenya oo bisha Saddexaad la soo gaarsiinaya qamaddi

0
241

Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha Sadeexaad ee sanadkan wadanka la soo gaarsiiyo ilaa 25,000 oo taan oo ah qamaddiga laga soo saaro Ukraine.
Safiirka dowladda Ukraine ku matalo wadanka ,Andri Pravednyk ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in hadda meel gabagabo ah uu maraya qorshaha qamaddiga looga soo daabulaya dekadda magaalada Chornomorsk ee dalka Ukraine is Mombasa looga soo dejiyo.
Danjiraha ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay qayb ka tahay caawinta kenyaanka ay sida ba’an u saameysay abaarta ee ku nool waqooyiga dalka.
Safiirka ayaa dhanka kale sheegay in kastoo Ukraine uu dagaal ka taagan yahay haddana in maamulka madaxweyne Zelenskyy uu sii wadi doono taageerada dalalka saaxiibbada la ah wadankaasi.