Kenya oo beenisay inuu fashilmay heshiis dhanka shidaalka oo Sacuudiga kala dhexeeyay

0
157

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka Prof. Njuguna Ndung’u ayaa sheegaya in maamulka Kenya Kwanza ee wadanka hoggaamiyo uunan qirin in lagu fashilmay heshiiskii shidaalka ee Kenya iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya ay wada saxiixdeen.
Bayaan uu xalay fiidkii soo saaray ayuu wasiirka maaliyadda ku cadeeyay warbixinta Sanduuqa Caalamiga ee Lacagaha ee IMF.
Waxaa uu warbaahinta ku eedeyay in aynan ka run sheegin xaqiiqooyinka la xiriira is-afgaradkaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay keliya IMF la wadaageen halista ka dhalan karto in waaxyo gaar ah ay qorshahan maalgeliyaan.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in heshiiska ay labada dowladood ku kala iibsanayaan shidaalka ee (G to G) uu ahaa mid ku meel gaar ah oo la doonayay in lagu xasiliyo suuqa shidaalka si loo fududeeyo cadaadiska ka dhashay sarrifka lacagaha qalaad.
Prof. Njuguna Ndung’u ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ugu dambeyn heshiiskaasi iskaga baxday tani oo uu ku tilmaamay qorsho istaraatiiji ah oo waaxyaha gaarka ah fursad loogu siinaya inay kala iibsiga shidaalka ka qaataan door firfircoon.