Kenya oo beenisay inay safaarad ka furanaysa Somaliland

0
294

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka la faafiyay ee sheegaya inuu jiro qorsho ay dowladda Kenya safaarad uga furanaysa magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Alfred Mutua ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku xusay inuu caddeeynaya inuusan jirin qorsho noocani ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in warbixinnada lagu wadaagaya baraha bulshada ee tilmaamaya in xafiiska isku xiraya Kenya iyo Somaliland ee la furay bishii Sagalaad ee sanadkii 2021-kii laga dhigi doono safaarad dhameystiran ay yihiin kuwo aan sax ahayn.