Kenya oo beenisay in taliyaha militariga Suudaan uu diiday in Ruto uu hoggaamiyo wada hadallada

0
223

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkani Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar la faafiyey oo sheegayay in taliyaha ciidamada militariga ee wadanka Suudaan Cabdel Fattax al-Burhan uu diiday in madaxweyne William Ruto uu hoggaamiyo wada hadallada nabadeed ee u dhexeynaya militariga iyo saraakiisha RSF ee tan iyo bishii Afaraad dagaallamayay.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ,Korir Sing’Oei ayaa bayaan ku sheegay in warbixintaasi aynan sax ahayn.
Waxaa uu xusay in Kenya aan loo soo gudbin qoraal rasmi ah oo ku aaddan arrinkan.
Sing’Oei ayaa sheegay in go’aanka madaxweyne Ruto uu ku hoggaaminaya wada hadallada nabadeed lagu gaaray shirkii IGAD ee Jabuuti.