Kenya oo 2027 billaabi doonto dhisidda xarunta nukliyeerka

0
623

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in sanadka 2027-da ay Kenya billowdo dhisidda warshadda sameynaysa hubka nukliyeerka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani looga gol-leeyahay xoojinta awoodda tamarta ee qaranka.
Mudavadi ayaa xusay in Kenya ay warshaddan lahaan doonto ugu dambeyn sanadka 2034-ta tani oo qayb ka ah qorsho wayn oo lagu yareynaya waxyaabaha sunta ah ee deegaanka wasaqeeya.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tani ay horseedi doonto shaqo abuur iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.