Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Uganda ayaa sare u sii qaadaya xiriirka ka dhexeya ee dhanka dalxiiska.
In ka badan 300 oo ah daneeyayaasha arrimaha dalxiiska oo ka soo kala jeedo labadan waddan ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan shirka dalxiiska ee Kenya iyo Uganda.
Kulanka sanadkan ayaa noqonaya midkii labaad ee la qabanaya.
Shirka ayaa socon doono 13-ka ilaa 14-ka bisha 11-aad ee sanadkan wuxuuna ka qabsoomaya gobolka Xeebta ee dalka.