Kenya iyo Tanzania oo baaraya duurjoog lagu dilay sun

0
393

Waxaa xuduudka Kenya iyo Tanzania ka socda baaritaan ka dib markii la sumeeyay ugu yaraan lix libaax iyo 34 gorgor kuwaas oo dhintay.
Xayawaanku waxaa la rumeysan yahay inay dhinteen ka dib markii ay cuneen hilib lo’aad oo si ula kac ah loogu sumeeyay aagga Kitenden ee ku teedsan xadka Kenya iyo Tanzania.
Dhacdadan, oo dhacday laba maalmood ka hor, ayaa argagax gelisay dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta, kuwaas oo ku tilmaamay mid ka mid ah kiisaska sunta ugu daran ee abid laga diiwaan geliyo nidaamka deegaanka Amboseli.
Saraakiisha duurjoogta ee Kenya iyo Tanzania ayaa bilaabay baaritaanno wadajir ah, iyadoo warbixinnadu ay tilmaamayaan in laba tuhmane oo ka soo jeeda Tanzania si dhaw loola socdo iyadoo baaritaannadu sare loo qaaday.