Kenya iyo Talyaaniga oo xoojinaya xiriirkooda dhanka caafimaadka

0
174

Dowladaha Kenya iyo Talyaaniga ayaa wada gaaray heshiis ay sare ugu qaadayaan wada shaqeyntooda dhinaca barnaamijyada caafimaadka.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay yeesheen xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka, Mary Muthoni Muriuki iyo safiir ku xigeenka Talyaaniga ku matasho Kenya Lorenza Gambacorta .
Labada dowladood ayaa isku af gartay inay iska kaashadaan xoojinta daryeelka caafimaadka guud ee UHC iyo soo saaridda daawooyinka.
Arrintan ayaa daba socoto heshiiskii ay bishii Saddexaad ee sanadkan wada saxiixdeen madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhigiisa Talyaaniga Sergio Mattarella oo xilligaasi wadanka booqasho ku yimid.