Kenya iyo Talyaaniga oo xoojinaya xiriirkooda

0
430

Dowladaha Kenya iyo Talyaaniga ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan xiriir wanaagsan oo ka dhexeeyay muddo 60 sano ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in xiriirkan uu ku saleysan yahay wada xaajood dibloomaasiyadeed oo joogto ah dhinacyo badanna taabanaya.
Waxaa dhinacyadan ka mid ah maalgashiga , nabad galyada iyo ammaanka.
Ruto ayaa sheegay in Talyaaniga uu muujiyay in Kenya uu u yahay saaxiib dhow oo dhanka horumarka ah si gaar ah ballaarinta kaabayaasha Konza iyo horumarrada ay Kenya ka sameysay dhanka hawada sare.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidatan sheegay ka dib markii uu magaalada Addis Ababa ee waddanka Itoobiya uu kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga, Giorgia Meloni.