Dowladaha Kenya iyo Talyaaniga ayaa isku afgartay inay sii xoojiyaan xiriirka dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhexeya iyadoo meesha laga saaraya caqabadaha aan la xiriirin canshuurta.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay dhigiisa Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay inay ku heshiiyeen in la iska ilaaliyo canshuur bixin labo mar ah.
Tani ayaa sare u qaadi doonto maalgashiga tooska ah ee labada dal.
Ruto ayaa intaasi ku daray in heshiiska ay gaareen uu ku qotomo warshadeynta dalagga laga soo saaro beeraha , tiknolojiyadda iyo shidaalka.
Kenya iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale wada saxiixday iskaashiyo ku saabsan caafimaadka gaar ahaan sare u qaadidda soo saaridda daawooyinka.
Sidoo kale Kenya iyo Talyaaniga ayaa ku heshiiyay in la sii wado dhaqangelinta mashruucii ceel biyoodyada ee Arror, Kimwarer iyo Itare ee la hakiyay ka dib markii la soo tabiyay fadeexad lagu lunsaday 63 bilyan oo shilin.
The two countries said they will negotiate on the avoidance of a double-taxation agreement that will usher in higher levels of foreign direct investments. https://t.co/SaOW0izbZo
— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 14, 2023