Kenya iyo Soomaaliya oo 11 qodob ay ku jirto dhoofintii qaadka ku heshiiyay

0
618

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa aqalka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay dhigiisa dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta duhurkii Kenya yimid.
Labada madaxweyne ayaa yeeshay wadahadallo labo geesood ah.
Waxaa wadahadallada laba geesood ah, dib u eegis lagu sameeyay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo gobolka, iyadoo xoogga la saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeya waddamadan deriska ah.
Labada madaxweye ayaa si wadajir ah u soo saaray war murtiyeed ka kooban 11 qodob:
1. Waxaa ay labada madaxweyne ay ku nuuxnuuxsadeen muhiimadda ay leedahay xiriirka laba geesoodka ah, isku xirnaanta hidaha iyo masiirka ee ka dhexeya shacabka Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo lagu qeexay rabitaan wadajir ah oo ku aaddan nabad, xasillooni, barwaaqo iyo ixtiraamka madax-bannaanida iyo dhulalka.
2. Waxaa ay xaqiijiyeen in labada dal ay ka go’an tahay in ay iska kaashadaan dhinacyada danta u ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
3. Si taas loo gaaro, labada madaxweyne waxay mar kale ballanqaadeen la dagaalanka kooxaha argagixisada, si guulo loo gaaro waxay ay fareen hay’adaha amniga ee labada dal inay isku dubbaridaan dadaalkooda ku aaddan inay xaqiijiyaan badqabka dadweynaha ee 2-da waddan, iyadoo kor loo qaadayo la dagaalanka argagixisada.
4. Waxaa lagu heshiiyey in Kenya, Soomaaliya, hay’adaha gargaarka ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay iska kaashadaan gargaarka bini’aadanimo, si loo yareeyo saameynta abaarta hadda ka jirta gobolka Geeska Afrika.
5. Waxaa kaloo la isla gartay in duullimaadyada Kenya Airways ay si joogta ah u tagaan Muqdisho, iyadoo lagu saleynayo heshiiska adeegga hawada ee labada dal.
Waxaana arrintan dib u eegis ku sameyn doona mas’uuliyiinta ay khusayso.
6. Waxaa kaloo lagu heshiiyey, fududaynta iyo horumarinta iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal, iyadoona la faray in si degdeg ah wax soo saarka kalluunka ee Soomaaliya loo suuq geeyo Kenya iyo dib u soo celinta ganacsigii Qaadka (Jaadka) ee Kenya iyo Soomaaliya, inuu si degdeg ah u billowdo.
7. Waxaa kale oo loo faray hay’adaha ay khusayso in ay fuliyaan in dadka wata baasaboorka soomaaliga ee diblumaasiga ah, fiisaha lagu siiyo marka ay soo gaaraan garoomada diyaaradaha ee Kenya iyo sidoo kale dadka haysta baasaboorka shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay 48 saacadood gudahood ay online-ka ka dalban karaan fiisaha ka dibna Nairobi ayay ka heli karaan.
8. Waxaa dhanka kale dadka haysta baasaboorka caadiga ah ee soomaaliga ayaa waxay haystaan 10 cisho gudahood oo ah maalmaha shaqada ee Kenya inay ku soo dalbadaan fiisha laguna siiyo muddadaasi.
9. Waxaa lagu heshiiyey in la furo xuduudka labada dal, korna loogu qaado ganacsiga badeecadaha iyo adeegyada labada dal.
10. Labada madaxweyne ayaa wada jir u go’aamiyey In guddiga wadajirka ah ee iskaashiga ee JCC Kenya iyo Soomaaliya ku kulmi doonaan Muqdisho bisha Siddeedaad ee sanadkan, si loo qaabeeyo iskaashiga howlaha amniga, horumarinta beeraha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, tababarrada iyo xal u helista dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.
11. Ugu dambeyn waxaa la faray wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada dal inay xaqiijiyaan fulinta qodobbadii ay ku heshiiyeen labada madaxweyne muddo labo toddobaad gudahood ah oo ka billaabaneysa taariikhda war-murtiyeedka wadajirka ah la soo saaray.