Kenya iyo shirkadda Huawei oo heshiis saxiixday

0
253

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo guddoomiyaha guddiga maamulo shirkadda tiknolojiyadeed ee Huawei, Liang Hua ayaa goobjoog u ahaa heshiis isafgarad ah oo ay labada dhinac shalay wada gaareen.
Waxaa lagu heshiiyay in shirkaddan ay xoojin doonto hiigsiga Kenya ee dhanka dhaqaalaha casriga ah.
Tani ayaa timid ka dib markii uu madaxweynaha dalka booqday xarunta shirkadda Huawei ee caasimadda wadanka Shiinaha ee Beijing .
Waxaa uu heshiiska dhigaya in labada dhinac ay iska kaashan doonaan horumarinta kaabayaasha ICT-da ee dalka iyo xoojinta adeegyada casriga ee dhanka gaadiidka , bixinta adeegyada dhijitaalka ee dowladda , waxbarashada , tamarta iyo kuwo kale.
Sidoo kale shirkaddan ayaa kaalin ka qaadan doonto in dhallinyarada kenyaanka ah laga soo dhiso dhanka xirfadaha casriga ah si loogu fududeeyo helidda shaqooyinka.