Madaxweynaha dalka William Ruto oo safar rasmi ah ku joogo wadanka Japan ayaa goob joog u ahaa munaasabad ay heshiis ku wada saxiixanayeen dowladda Kenya iyo shirkadda soo saarta baabuurta ee Toyota Tsusho Corporation ee wadanka Japan.
Is-afgaradka ayaa ku saabsan sida ay labada dhinac iskaga kaashan karaan soo saaridda baabuurta iyo horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan ku shaaciyay qoraal uu soo dhigay barahiisa rasmiga ee bulshada.
Waxaa uu heshiiskan dhigaya in shirkadda Toyota ay gudaha Kenya ka furanaysa xarun baabuurta lagu soo saaro.
Toyota ayaa ballan qaaday inay si horudhac ah shirkadda sameyso baabuurta ee Thika vehicle manufacturers ku maalgelin doonto 800 oo milyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay sare u qaadaysa waaxda warshadaha ee wadanka sidoo kalena ay sii xoojinaysa xiriirka ka dhexeeya dalalka Kenya iyo Japan si loo ballaariyo fursadaha ay helayaan kenyaanka.
Madaxweyne William Ruto ayaa ujeeddada laga leeyahay arrinkan ku sheegay in gudaha Kenya lagu sameeyo baabuur qiimo ahaan la awoodi karo si aan loogu dhiirran soo iibsashada gawaarida horay loo soo isticmaalay.
Waxaa uu madaxweyne Ruto sheegay inay qasab tahay in la isku dheelli tiro tirada baabuurta wadanka la soo geliyo iyo kuwa halkan lagu sameeyo.
Madasha heshiiska labo geesoodka ah lagu saxiixay waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa madaxa shirkadda soo saarta baabuurta ee Toyota Tsusho Corporation Ichiro Kashitani.
Qodobka ku saabsan horumarinta tamarta la cusbooneysiin karo waxaa uu dhigaya in 15 bilyan lagu maalgeliyo xarunta tamarta ee Meru ,8 bilyan oo shilin oo tamarta cadceedda looga hirgelinaya Isiolo iyo 75 bilyan oo shilin oo lagu taageeraya warshadda korontada dhalisa ee Menengai Geothermal Plant.
Sidoo kale waxaa heshiiska qayb ka ah in la sii xoojiyo barnaarmijka baabuurta korontada ku shaqeeya.




