Kenya iyo Shiinaha oo xoojinaya xiriirkooda dhanka cadaaladda

0
590

Dowladaha Kenya iyo Shiinaha ayaa isku afgartay in ay sare u sii qaadaan iskaashigooda dhinaca cadaaladda.
Waxaa sidatan ku heshiiyay safiiradda Shiinaha ku matasho dalkani Kenya Ambasadoor Guo Haiyan iyo madaxa cadaaladda waddanka garsoore Martha Koome oo kulmay.
Waxay labada mas’uul hoosta ka xarriiqeen sida ay uga wada go’an tahay adkeynta nidaamyada garsoorka, horumarinta cadaaladda, ilaalinta sarreynta sharciga iyo taageeridda isbeddello ay shacabka qayb ka yihiin.
Ambasadoor Guo ayaa tilmaantay muhiimadda wada shaqeyn farsamo iyo aqoon-iswaydaarsi lagu qaabeynaya hannaanka casriga ah ee cadaaladda si baahiyaha dadweynaha looga falceliyo qaabka ugu habboon.