Dowladaha Kenya iyo Shiinaha ayaa wada saxiixday heshiisyo ku saabsan isgaarsiinta tiknolojiyadeed ee ICT-da, daawooyinka iyo injineernimada.
Heshiisyadan oo la saxiixay xilli uu madaxweynaha dalka William Ruto guddoomiyay madasha maalgashiga ee Kenya iyo Shiinaha oo lagu qabtay magaalada Beijing ayaa qiimo ahaan dhan 63 bilyan oo shilin.
William Ruto ayaa sheegay in is-afgaradkan uu muujinaya in Shiinuhu uu si wayn ugu kalsoon yahay Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay caddeynaysa iskaashiga ballaaran ee dhanka maalgashiga ee ka dhexeya labada dal.
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in sanadkii hore, Shiinaha uu noqday saaxiibka ugu horreeya dhanka ganacsiga ee Kenya.
Badeecooyinka ay hadda Kenya u dhoofiso Shiinaha ayaa qiimo ahaan dhan 233.8 milyan oo doolar halka waxyaabaha laga keeno dhanka Shiinaha ay yihiin 3.8 bilyan oo doolar.
Dhanka kale Mr. Li Xi oo xubin sare ka ah xafiiska siyaasadeed ee Beijing oo ay kulmeen madaxweynaha dalka ayaa ballan qaaday in dowladda dalkaasi ay taageeri doonto shirkadaha laga leeyahay Shiinaha ee ka howlgalo gudaha Kenya.
Mashaariicda ay dowladda Shiinaha doonaysa inay maalgeliso waxaa ka mid ah dhisidda waddooyinka , ballaarinta marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka iyo casriyeynta garoomada diyaaradaha ee dalka.
Sidoo kale Mr. Xi ayaa sheegay inay Kenya garab ku siin doonaan cirib tirka saboolnimada iyadoo isbeddel lagu sameynaya kaabayaasha dhaqan-dhaqaale .
Waxaa uu xusay inay la jaanqaadayaan qorshaha kobcinta dhaqaalaha Kenya ee ah in meel hoose laga soo billaabo iyadoo la taageeraya ganacsatada yaryar ee muruq maalka ah.
Waxaa uu madaxweyne William Ruto u xaqiijiyay inay garab ku siin doonaan barnaamijyada noocani ah ee lagu wanaajinaya dhaqaalaha.