Dowladaha Kenya iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyay inay sii xoojiyaan iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeya.
Madaxweynaha dalka , William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu si dhow ula shaqeyn doono Shiinaha gaar ahaan horumarinta kaabayaasha warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee ICT-da , la tacaalidda isbeddelka cimillada , waxbarashada iyo amniga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya ay si gaar ah diiradda u saareysa horumarinta waddooyinka iyadoo laga faaβiidaysanaya madasha iskaashiga Shiinaha iyo qaaradda Afrika.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi uu kula kulmay wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayay agaasimaha guddiga dhexe ee arrimaha dibadda ee dowladda Shiinaha Wang Yi.
Madaxweyne Ruto ayaa dhanka kale sheegay inuu jiro qorsho lagu ballaarinaya gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi iyo dekadaha ismaamullada Mombasa iyo Lamu.
Waxaa uu maalgashatada Shiinaha u xaqiijiyay in dowladda ay ka goβan tahay badbaadinta qof kasta iyo hantidiisa.
Wang Yi ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Shiinaha ay sii wadi doonto taageeridda Kenya si labada waddan ay barwaaqo u gaaraan.
πππππππππ ππππ: πππππ-πππππ πππππππππ ππππ πππππ ππππππππ ππππππ
Kenya is keen on strengthening its relations with China to spur economic growth in the country.
President @WilliamsRuto said the Government will work closely⦠pic.twitter.com/BQqyMJUjzc
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 22, 2023