Kenya iyo Shiinaha oo iska kaashan doono dhanka sirdoonka

0
211

Dowladaha Kenya iyo Shiinaha ayaa doonaya inay sare u sii qaadaan xiriirka ka dhexeeya gaar ahaan dhanka sirdoonka.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa shaaca ka qaaday in waddamadan ay wadaagi doonaan xogaha sirdoonka , inay si wadajir ah u fulin doonaan howlgallada ammaanka sidoo kalena ay ka wada shaqeynayaan maareynta arrimaha nabad galyada.
Tallaabadan ayuu ku tilmaamay mid istaraatiiji ah oo lagu xoojinaya ammaanka xilli ay dunidu wajahaysa khatarro kala duwan.
Omollo ayaa arrinkan ka sheegay shirka heerka wasiirrada ee madasha caalamiga ee iskaashiga amni oo lagu qabtay magaalada Lianyungang ee dalka Shiinaha.
Xoghayaha ayaa waxyaabaha halista ku ah caalamka ku sheegay argagixisadda , weerarrada dhanka intarneetka , dembiyada laga fuliyo dalalka kala duwan , isku dhacyada goboleed iyo isbeddelka ku yimaada cimillada.