Kenya iyo Shiinaha oo 6 heshiis kala saxiixday

0
521

Dowladaha Kenya iyo Shiinaha ayaa maanta qalinka ku wada duugay heshiisyo gaaraya 6 oo ku saabsan arrimaha ganacsiga, kaabayaasha horumarineed iyo waaxyo kale.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi uu ku sugan yahay gudaha Kenya.
Waxaa heshiisyada wada saxiixday Wang iyo Raychelle Omamo oo ah wasiiradda arrimada dibadda ee dalka ka dib markii ay yeesheen wada hadallo labo geesood ah.
Omamo ayaa hoosta ka xarriiqday in waxyaabaha ay labada dowladood isku afgarteen ay yihiin kuwo ay dani ugu jirto Kenya iyo Shiinaha.
Waxay intaasi ku dartay in xukuumadda Beijing ay dhanka kale 10,000 oo taan oo bariis ah ay ugu deeqday qoysaska uu saameeyay cudurka COVID-19.
Wasiir Omamo ayaa dowladda Shiinaha u xaqiijisay in Kenya ay sii wadi doonto inay shirkadaha halkaasi laga leeyahay siiso fursado maalgashi si gaar ah dhanka wax soo saarka iyo dhismaha.