Kenya iyo Sengal oo gaaray heshiis dhanka dal ku galka ah

0
293

Dowladda Senegal ayaa meesha ka saartay dal ku galka lagu xiro dadka sita baasaboorka caadiga ee Kenya.
Arrintan ayaa daba socota go’aankii ay Kenya meesha uga saartay fiisaha dal ku galka ee dadka haysta baasaboorka Senegal.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa bayaan uu soo saaray, ayuu heeshiiskan ku tilmaamay tallaabo weyn oo la qaaday ee dhinaca horumarinta isdhexgalka gobolka iyo dhaqdhaqaaqa xorta ah ee gudaha Afrika.
Tani ayuu sidoo kale ku tilmaamay inay qayb ka tahay dadaallada lagu fududeynaya isku socodka dadka, dalxiiska, kala gudbinta badeecooyinka iyo bixinta adeegyada ee qaaradda Afrika.
Waxaa sidoo kale is-afgaradkan qayb ka ah kobcinta ganacsiga u dhexeya labada dal iyo fursadaha waxbarasho ee muwaadiniintooda.
Is-afgaradkan ayaa la gaaray ka dib kulan magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhigiisa Senegal Macky Sall.