Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay sare u qaadidda iskaashiga kala dhexeya boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo kulan la qaatay safiirka Sacuudi Carabiya ee Kenya Khalid Alsalman ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in la sii ballaariyo wada shaqeynta dhinacyada ganacsiga , gaadiidka , shaqooyinka iyo tiknolojiyadda.
Bishii Saddexaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii Kenya iyo Sacuudi Carabiya ay wada saxiixdeen is-afgarad ku saabsanaa wada tashiyada siyaasadeed.
Heshiiskaasi ayaa looga gol-lahaa xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo ee laba geesoodka ah.
Sidoo kale waxaa xilligaasi markii ugu horreysay la daahfuray kal-fadhiga guddiga iskudhafka ah ee iskaashiga Kenya iyo Sacuudi Carabiya ee (JCC) si cilaaqaadka loo gaarsiiyo heer sarreya.
In particular, we recognise the partnership in trade, ICT, transport and labour. We look forward to enhancing and expanding our cooperation for the prosperity of our citizens.
Held talks with Mr. Khalid A. Alsalman, Ambassador of the Kingdom of Saudi Arabia to Kenya. pic.twitter.com/ViMbOpl2GK
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) February 21, 2023