Kenya iyo Ruushka oo xoojinaya iskaashigooda ganacsi

0
323

Dowladda Kenya ayaa sare u qaadaysa xiriirka kala dhexeya Ruushka si loo xoojiyo iskaashiga dhanka ganacsiga ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in ganacsiga u dhexeya labada waddan uu weli hooseeyo in kastoo ay fursad wayn jirto.
Kenya ayaa sanadkii hore dalka Ruushka u dhoofisay badeecooyin uu qiimahoodu yahay 55 milyan oo doolar halka waxyaabaha ay ka soo dejisatay dhanka wadankaasi ay qiimo ahaan gaareen 266 milyan oo doolar sida ku cad macluumaadka dowladda dhexe.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in labada dowladood ay saxiixi doonaan heshiis ganacsi si looga faa’iidaysto fursadaha suuragalka ah.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi uu ku qaabilay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov.
Labada mas’uul ayaa isku afgartay in loo baahan yahay in isbeddel lagu sameeyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay si loo kordhiyo matalaadda golaha iyo inuu noqdo mid falcelintiisa ay la jaanqaadeysa baahiyaha qarniga 21-aad.
William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in qaaradda Afrika ay matalaad ku lahaato golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Waxaa uu xusay in Afrika ay golaha UNSC ku biirin karto afkaar cusub, soo jeedinno iyo khibrado uu caalamka ka faa’iidi karo.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenya iyo Afrika ay ku xisaabtamayaan saaxiibbada sida Ruushka si isbeddel cusub loogu sameeyo golaha amniga ee qaramada midoobay.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa waxaa uu ka kooban yahay 15 xubnood oo 5 ka mid ah ay yihiin xubno joogto ah sida Ruushka, Maraykanka, Ingiriiska , Faransiiska iyo Shiinaha.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhanka kale sheegay in mowqifka dowladda Kenya ee ku aaddan dagaalka u dhexeya Ruushka iyo Ukraine uu yahay in la qadariyo xuduudda dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay sida u degsan.
Ruto ayaa sheegay in Kenya ay ku baaqaysa in dagaalka socdo in ka badan hal sano lagu soo afjaro qaab lagu ixtiraamaya labada dhinac.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa dhankiisa bogaadiyay saaxiibtinnimada muddo 60 sano ah ka dhexeysa Kenya iyo Ruushka.
Waxaa uu sheegay in xiriirka Ruushka kala dhexeya Afrika uu heer cusub gaaray ka dib kulankii dhex maray sanadkii 2019-kii.
Sidoo kale waxaa uu xusay in iskaashiga dhanka sayniska ee Kenya iyo Ruushka uu sare u soo kacay.
Lavrov ayaa soo maray Kenya ka hor inta uunan u soo gudbin magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika halkaasi oo ay ku shirayaan wasiirrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee shanta dal ee ku mideysan dalladda BRIC ee kala ah Braziil, Ruushka, Shiinaha , India iyo Koonfur Afrika.