Kenya iyo Netherlands oo heshiisyo ganacsi saxiixday

0
264

Dowladaha Kenya iyo Netherlands ayaa ku heshiiyay inay sare u qaadaan xiriirka ka dhexeya ee dhanka ganacsiga.
Waxay iska kaashan doonaan suuqgeynta ubaxyada .
Waxaa is-afgaradka gaaray safiirka Netherlands ee Kenya Maarten Brouwer iyo guddoomiyaha golaha ubaxa ee dalka Richard Fernandes.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo bandhig ku saabsan ka ganacsiga ubaxyada uu ka furmay xarunta Oshwal Center ee magaalada Nairobi.
Kenya iyo Netherlands ayaa waxaa ka dhexeya iskaashi ganacsi oo soo jiray in ka badan 40 sano.