Waxaa la filayaa inay kordhaan badeecooyinka ay Kenya u iibgayso suuqyada qaaradda Yurub ka dib markii ay maanta dowladda dalka heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale ay la saxiixatay Midowga Yurub.
Heshiiskan oo loo yaqaano (EPAs) ayaa horseedaya xurriyad ganacsi iyadoo badeecooyinka lagu soo saaro gudaha wadanka si canshuur la’aan ah loogu dhoofin doono Yurub.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in is –afgaradkan uu Kenya u xaqiijinaya ka faa’iidaysiga suuq la ballaariyay oo waari kara sidaasi awgeedna sii xoojinaya fursadaha ganacsi iyo kuwa maalgashiga.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in ganacsiga ka dhexeya Kenya iyo Midowga Yurub oo tirada dadka ee waddamadaasi ku nool ay tahay ilaa 500 oo milyan oo qof uu abuuraya shaqooyin, uu sare u qaadaya dakhliga sidoo kalena uu dardargelinaya kobac dhaqaale oo waara.
Arrintan ayuu Ruto ka sheegay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi oo labada dhinac ay ku gaareen heshiiska.
Waxaa madasha lagu saxiixday heshiiskan dhaqaale goobjoog u ahaa ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua, wasiirka ganacsiga ee dalka Moses Kuria iyo ku xigeenka madaxa fulinta ee guddiga Midowga Yurub sidoo kalena ah guddoomiyaha arrimaha ganacsiga ee EU-da Valdis Dombrovskis.
William Ruto ayaa intaasi ku daray in heshiiskan la gaaray uu xoojin doono maalgashiga iyo wax soo saarka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Kenya ay ugu dambeyn diyaar u tahay inay ka dhex muuqato ganacsiga caalamka ee wax soo saar iyo adeegyo dibadda loo gudbiyo.
Sidoo kale is-afgaradkan ayaa Kenya ka dhigaya halbowlaha shirkadaha Yurub ee doonaya inay ka faa’iidaystaan suuqyada jaaliyadda bariga Afrika ee
EAC, suuqa u dhexeya waddamada bariga iyo koonfurta Afrika ee COMESA, jaaliyadda horumarinta koonfurta Afrika ee SADC iyo aagga ganacsiga xorta ah ee ka dhexeya qaaradda Afrika.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka u sheegay in haddii ay maalgashi ka sameeyaan gudaha Kenya inay u suurageli karto inay u gudbaan qaybaha kale ee Afrika.
Mr. Dombrovskis ayaa dhankiisa sheegay in Kenya ay leedahay fursad wayn oo ganacsi.
Waxaa uu xusay in heshiiska ay maanta wada saxiixdeen Kenya iyo Midowga Yurub uu yahay mid adag oo sare u qaadi doono ganacsiga iyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah.
Mr. Dombrovskis ayaa intaasi ku daray in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inuu xoojiyo isdhexgalka gobolka.
Waxaa uu ballanqaaday inay xaqiijin doonaan in meesha laga saaro caqabadaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed si dunida la isugu furo.
Mr.Dombrovskis ayaa sidoo kale sheegay in shirkadaha Midowga Yurub ay hal bilyan oo Euro ama 1.1 bilyan oo doolar ay tobankii sano ee la soo dhaafay ku maalgeliyeen Kenya balse ay doonayaan inay ganacsigooda gudaha wadanka sii ballaariyaan.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Mr.Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskan uu caddeyn u yahay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay horumarinta dalka iyadoo loo maraya ganacsi iyo maalgashi.
Wasiirka wasaaradda ganacsiga ee Kenya Moses Kuria ayaa isna xusay in heshiiska la gaaray uu waddada u xaaraya in la saxiixdo heshiisyo kale oo ganacsi iyo maalgashi.
Kuria ayaa ka dib markii uu heshiiskan la saxiixday guddoomiyaha arrimaha ganacsiga ee guddiga Midowga Yurub ,Valdis Dombrovskis sheegay in maanta ay tahay maalin ay ku faani karaan Kenya iyo EU-da.
Kenya ayaa shan meelood hal meel badeecooyinkeeda u iibgaysa Yurub.
Waxyaabaha ay Kenya u dhoofiso Yurub waxaa ka mid ah badeecooyinka beeraha sida khudaarta, caleenta shaaha iyo qaxwada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu yaraan boqolkiiba 70 ee ubaxa dalka la geeyo Yurub.
Sidoo kale is-afgaradka maanta ayaa dhigaya in waxyaabaha dalalka Yurub laga soo dhoofiyo ee Kenya la keeno si mashiinnada iyo kiimikada laga yareyn doono canshuurta muddo 25 sano ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib shirkii uu madaxweynaha dalka William Ruto bishii Saddexaad ee sanadkan uu uga qayb galay magaalada Brussels ee wadanka Belgium.
Sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii Midowga Yurub iyo jaaliyadda bariga Afrika ee EAC oo ay xilligaasi ku mideysnaayeen Kenya, Rwanda, Uganda, Burundi iyo Tanzania ay soo gabagabeeyeen wada xaajoodyo ku aaddan iskaashiga dhaqaale balse dowladda Kenya keliya ayaa ka dhabeysay.
EU-Kenya Economic Partnership Agreement briefing, State House, Nairobi. https://t.co/PxXJfDQE8b
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 19, 2023
𝐊𝐄𝐍𝐘𝐀’𝐬 𝐄𝐗𝐏𝐎𝐑𝐓 𝐓𝐎 𝐓𝐇𝐄 𝐄𝐔 𝐓𝐎 𝐈𝐍𝐂𝐑𝐄𝐀𝐒𝐄
Kenya’s exports to Europe is set to expand following the signing of the European Union Economic Partnership Agreement (EPAs).
The deal sets pace for trade liberation, offering tariff-free quota-free access of… pic.twitter.com/lTn924nOu2
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 19, 2023