Dowladaha Kenya iyo Masar ayaa ku heshiiyay geeddisocod meesha looga saaraya in dal ku gal lagu xiro dadka sita baasaboorka caadiga ah marka la gaaro 1-da bisha Tobnaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay yeesheen wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Alfred Mutua iyo dhigiisa Masar ,Sameh Shoukry.
Heshiiskan ayaa looga gol-leeyahay sare u qaadidda arrimaha dalxiiska , kobcinta ganacsiga iyo taageeridda dhaqdhaqaaq dhaqaale oo si xor ah uga dhexeynaya shacabka labada dal.
Kenya iyo Masar ayaa isku afgartay in wada hadallada qorshahan ku aaddan la soo gabagabeeyo bisha Oktoobar.
Labada wasiir ayaa sidoo kale ku heshiiyay in saddex toddobaad gudahooda shakhsiyaadka isticmaalaya baasaboorrada rasmiga iyo kuwa dibloomaasiyadeed inay labada waddan u kala gooshi karaan fiisa la’aan.
Tani ayaa si buuxda u dhaqangeli doonto 1-da bisha Afaraad ee sanadkan.
Intii uu kulanka socday, wasiirrada arrimaha dibadda ee Kenya iyo Masar ayaa sidoo kale isku afgartay dhaqangelinta siyaabo lagu xoojinaya iskaashiga dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee labada waddan.
Heshiiska waxaa qayb ka ah in badeecooyinka lagu soo saaro gudaha wadanka sida caleenta shaaha , qaxwada , ubaxyada iyo hilibka loo iibgeeyo Masar.
Dowladahan ayaa sidoo kale ka wada shaqeyn doono mashaariicda waddooyinka , barnaamijyada waraabinta beeraha, bacriminta , ceelashada biyaha , deeqaha waxbarasho , dib u habeynta waaxda maaliyadda iyo arrimaha qurbajoogta.
Dr. Mutua iyo Sameh Shoukry waxay sidoo kale ku heshiiyeen in toddobaadyo ka dib la qabto kulanka toddobaad ee guddiga iskudhafka ee iskaashiga labada dal (JCC) .
We have today achieved landmark agreements with Egypt during our ongoing development bilateral discussions in Cairo with my counterpart, Minister of Foreign Affairs, H.E Sameh Shoukry on ways to enhance the social, political and economic cooperation between our two countries. pic.twitter.com/84q5aydizs
— Dr. Alfred N. Mutua (@DrAlfredMutua) March 9, 2023
1. FREE VISA ENTRY
In line with the African vision of @AfCFTA we agreed on
Free visa entry for diplomatic & official passports of both countries from April 1st of this year and to start and finalize discussions towards a free visa regime for ordinary passports by October 1st. pic.twitter.com/r788tMopUC
— Dr. Alfred N. Mutua (@DrAlfredMutua) March 9, 2023