Kenya iyo Maraykanka oo wada saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira dhaqaalaha iyo kaabayaasha

0
209
G42 EcoCloud Signing Ceremony

Dowladda Kenya ayaa Maraykanka la saxiixatay heshiis ay ku xoojinaysa hannaanka dhaqaalaha casriga ah oo qiimo ahaan dhan 132.3 bilyan oo shilin.
Waxaa la filayaa in tani ay door wayn ka qaadato dardargelinta kobaca dhaqaale ee wadanka.
Waxaa heshiiskan wada saxiixday wasaaradda warfaafinta , isgaariinta iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka iyo shirkadaha bixiya adeegyada tiknolojiyadeed ee kala ah Microsoft Corporation iyo G42.
Madaxweyne William Ruto oo heshiiskan soo dhaweeyay ayaa hoosta ka xarriiqay inuu fududeyn doono helidda adeegyada tiknolojiyadda sidoo kalena uu horseedi doono in Kenya laga hirgeliyo qorshayaal waara.