Kenya iyo Maraykanka oo wada saxiixday heshiis dhanka waxbarashada ah

0
222

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa qalinka ku wada duugay heshiis ay iskaga kaashanayaan arrimaha waxbarashada.
Is-afgaradkan ayaa la rajeynaya inuu xoojiyo isdhaafsashada culuunta , hal-abuurka iyo in ardayda jaamacadaha labada waddan ay cilmi baaris wadajir ah sameeyaan.
Sidoo kale ,heshiiskan ayaa looga gol-leeyahay in uu sare u qaado karaanka dhanka dhijitaalka ee Kenya.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo khudbad ku saabsan maalgashiga dhinaca tacliinta ka jeedinayay machadka Spelman College ee magaalada Atlanta, ee gobolka Georgia ee Maraykanka ayaa sheegay in barnaamijkan uu sidoo kale taageeri doono amniga dunida.
Heshiiska la saxiixday ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu dhawaan jaamacadaha Maraykanka ka codsaday in ay kaashadaan kuwa ku yaalla Kenya si sare loogu qaado hal-abuurka iyo cilmi baarista dhanka sayniska ah.