Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay sare u qaadidda wada shaqeynta ka dhexeysa ee dhanka amniga iyo nabad galyada caalamka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kulan yeesheen madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Musalia Mudavadi iyo Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken.
Musalia Mudavadi ayaa intaasi ku daray in isaga iyo Blinken ay isku afgarteen in la sii wado dadaallada lagu wanaajinaya nolosha shacabka ku nool wadanka Haiti.
Sidoo kale Mudavadi ayaa xusay in Kenya iyo Maraykanka ay si wadajir ah u soo dhaweeyeen iskaashiga soo jireenka ah ee arrimaha cimillada , la dagaallanka argagixisada iyo baahida loo qabo in isbeddello lagu sameeyo hannaanka maaliyadeed ee dunida.