Kenya iyo Maraykanka oo maanta saxiixan doono heshiis dhanka difaaca ah

0
242

Waxaa uu qorshuhu yahay in dowladaha Kenya iyo Maraykanka ay maanta wada saxiixdaan heshiis ku aaddan iskaashiga gaashaandhigga.
Wasaaradda difaaca ee dalka ayaa xaqiijisay in heshiiskan lagu saxiixi doono xarunta dhexe ee gaashaandhigga ee magaalada Nairobi oo uu wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ku qaabili doono dhigiisa Maraykanka Lloyd J. Austin III.
Intaasi ka dib ayay labada wasiir si wadajir ah ula hadli doonaan warbaahinta.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu sii xoojiyo wada shaqeynta la xiriirta ka hor tagga argagixisannimada .
Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada iskaashi ee dhinaca difaaca iyo ammaanka iyadoo uu caalamku wajahaya khatarro kala duwan.
Kenya iyo Maraykanka ayaa si dhow iskaga kaashado ka hor tagga argagxisada ee gobolka.