Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sare u qaadidda amniga gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Kenya Aadan Barre Ducaale uu magaalada Washington kula yeeshay dhigiisa Maraykanka Lloyd Austin III.
Wasiir Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in wada hadalladooda ay inta badan ku saabsanayeen amniga gobolka iyo si guud nabad galyada caalamka.
Waxaa uu intaasi ku daray in isaga iyo dhigiisa Maraykanka ay cadeeyeen sida ay dowladahooda diyaar ugu yihiin la dagaallanka argagixisada.
Waxaa uu sidoo kale xusay in ishaashiga dhinaca difaaca ee Kenya iyo Maraykanka uu yahay mid istaraatiiji ah.
Waaxda difaaca ee xukuumadda Washington ayaa dhankeeda sheegtay in xoghaye Lloyd uu wasiir Aadan Barre Ducaale uga mahadceliyay doorka ay Kenya ka qaadanaysa nabad galyada gobolka iyo daafaha kale ee caalamka.
Maraykanka ayaa horay u ballan qaaday inuu ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta uu ka taageeri doono dhanka dhaqaalaha iyo tasiilaadka shaqo.