Kenya iyo Kuuriyada Koonfureed oo xoojinaya xiriirka ka dhexeya

0
341

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sare u qaadi doonto iskaashiga dhinaca dhaqaalaha ee ay la leedahay Kuuriyada Koonfureed.
Tallaabadan ayuu xusay in looga gol-leeyahay in fursado ganacsi iyo shaqooyin loo abuuro kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in labada dal ay ka wada shaqeyn doonaan sidii looga faa’iidaysan lahaa fursadaha dhanka tiknolojiyadda , ganacsiga, maalgashiga iyo badaha.
William Ruto ayaa magaalada Seoul ka sheegay in wadankaasi ay ku nool yihiin ilaa 300 oo qof oo u dhashay Kenya.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay inuu rajeynaya in tirada dhallinyarada ee ka shaqeysanaya gudaha Kuuriyada Koonfureed ay gaarto 10,000 .
William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in muddo shan sano gudaheeda ah caleenta shaaha ee lagu soo saaro gudaha wadanka oo hadda ah boqolkiiba 5 in la gaarsiiyo boqolkiiba 50.
Madaxweynaha dalka ayaa Kuuriyada Koonfureed ku joogo booqasho rasmi oo saddex cisho ah ka dib casuumaad uu u fidiyay dhigiisa wadankaasi Yoon Suk Yeol.