Kenya iyo Japan oo wada saxiixday heshiis ganacsi oo horudhac ah

0
209

Wasiiradda wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga ee dalka Rebecca Miano ayaa kulan la qaadatay dhigeeda Japan Yasutoshi Nishimura.
Waxay wada saxiixdeen xeerka horudhaca ah ee wada xaajoodyada ku saabsan warshadaha ee (IPD).
Is-afgaradkan ayaa lagu gaaray dalka Japan oo uu ka qabsoomi doono kulanka wasiirrada ganacsiga ee waddamada G7.
Labada wasiir ayaa ku heshiiyay in dowladaha Kenya iyo Japan ay ka wada shaqeyn doonaan xoojinta ganacsiga iyo maalgashiga ka dhexeeya.
Xeerka IPD ayaa sare u qaadi doono xiriirka dhaqaale ee laba geesoodka ah.
Waxaa wasiiradda wehelinayay xoghayaha joogtada ah ee waaxda warshadaha ee dalka Juma Mukhwana,dhigiisa waaxda ganacsiga Alfred Ombudo iyo safiiradda Kenya ku matasha Japan Ambasadoor Tabu Irina.