Dowladaha Kenya iyo Japan ayaa isku afgartay inay sii xoojiyaan iskaashiga ka dhexeya gaar ahaan dhinaca ganacsiga.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu safiirka dowladda Japan ee Kenya ,Okaniwa Ken kulan kula yeeshay xafiiskiisa oo ku yaalla daarta Harambee House ee magaalada Nairobi.
Labada mas’uul ayaa xusay inay ka go’an tahay ka shaqeynta sidii la isugu dheelli tiri lahaa howlaha ganacsiga ee ay wadaagaan.
Gachagua ayaa sheegay in dowladda Kenya ay Japan u aqoonsan tahay saaxiib la isku halleyn karo .
Waxaa uu dowladda dalkaasi ka codsaday inay maalgashi dheeraad ah ka sameyso gudaha wadanka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa dhanka kale Japan uga mahadceliyey taageero dhinacyo badan ah oo ay Kenya siiso isagoo xusay in dowladda dhexe ay doonaysa inay sii adkeyso xiriirka laba geesoodka ee soo jiray tan iyo markii ay Kenya xurriyad ka heshay guumaystihii Ingiriiska.
I hosted the Japanese Ambassador to Kenya Mr OKANIWA Ken, today at Harambee House Annex, for bilateral discussions on deepening our relations.
Kenya and Japan have enjoyed warm and long-standing cordial relations since our independence pic.twitter.com/nlQ8tRzK8g
— Rigathi Gachagua (@rigathi) March 7, 2023
We appreciate Japanese support in various development projects in research, agriculture, health, energy, water, and transport, among others.
We remain committed to strengthening and balancing trade between the two nations for prosperity. pic.twitter.com/xEDNppocbH
— Rigathi Gachagua (@rigathi) March 7, 2023