Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa wada saxiixday heshiisyo ay sare ugu qaadayaan iskaashiga ka dhexeeya.
Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta , Musalia Mudavadi ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Ka dib markii uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya uga qayb galay shirka guddiga iskudhafka ah ee wasiirrada labada waddan ee JMC ayuu Mudavadi sheegay in dowladahan ay isku afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guddiga JMC oo yeeshay kal-fadhigiisi 36-aad uu gacan ka gaystay xallinta arrimo labo geesood ah iyo kuwo heer gobol.
Waxay tani sidoo kale sare u qaadday isdhexgalka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.
Madaxa wasiirrada ee Kenya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu ku farxay qaabka ay labada dal uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda dhanka dhaqaalaha , bulshada , amniga iyo xiriirka dibadeed.
Mudavadi oo bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Kenya iyo Itoobiya ayaa dhanka kale xukuumadda Addis Ababa ku boorriyay in ay meesha ka saarto caqabadaha dhanka ganacsiga sida fududeynta canshuurta.
Dhinacyada ay labada waddan ku heshiiyeen inay iska kaashadaan waxaa ka mid ah dalxiiska , amniga , duurjoogta , dhaqanka ,dhaqaalaha badda , batroolka , adeegyada waaxda asluubta iyo wanaajinta waxqabadka shaqaalaha dowladda.
Musalia Mudavadi ayaa intaasi ku daray in baarlamaannada Kenya iyo Itoobiya ay aqoontooda iswaydaarsan doonaan.
Sidoo kale waxay bisha labaad ee sanadka 2025-ka qiimeyn ku sameyn doonaan waxyaabaha uga qabsoomay heshiisyada ay wada saxiixdeen.
Kenya iyo Itoobiya ayaa sanadkan u dabbaal degaya 60 sano oo ka soo wareegatay xilligii ay yeesheen xiriir dibloomaasiyadeed 26-kii bishii 6-aad ee sanadkii 1964.