Kenya iyo Itoobiya oo wada saxiixday heshiis dhanka difaaca ah

0
583

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa wada saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ay uga wada shaqeynayaan dhanka gaashaandhigga.
Waxaa heshiiskan looga gol-leeyahay la tacaalidda caqabadaha amni ee ka jira gobolka.
Taliyaha ciidamada difaaca ee dalka General Charles Kahariri iyo dhiggiisa Itoobiya Birhanu Jula ayaa heshiiskan maanta ku wada saxiixay xarunta dhexe ee wasaaradda difaaca dalka Itoobiya ee magaalada Addis Ababa.
Labada dhinac ayaa iska kaashanaya tababarrada iyo in ay wadagaan xogaha sirdoonka.
General Kahariri ayaa heshiiska ku tilmaamay maalgashiga hal-abuurka iyo kaabayaal adkeysi leh.
Taliyaha ciidamada difaaca ee Itoobiya Field Marshal Jula ayaa dhankiisa soo dhaweeyay is-afgaradka wuxuuna sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay ka dhabeyntiisa.
Wuxuu muujiyay kalsooni ah in heshiiskan uunan keliya wanaajin doonin nabadgalyada iyo amniga labada waddan balse si guud xasilloonida gobolka.