Kenya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay xoojinta xiriirkooda

0
248

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa sheegay inay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhexeeya.
Waxay dowladahan wada saxiixdeen heshiisyo gaaraya toddobo oo sare loogu qaadaya ka shaqeynta danaha ay wadaagaan.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in heshiisyadan ay ku saabsan yihiin horumarinta dhaqanka , dalxiiska , arrimaha duurjoogta , dhaqaalaha badda , adeegyada waaxda asluubta, batroolka iyo horumarinta tamarta iyo wanaajinta waxqabadka shaqaalaha dowladda.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in labada dal ay diyaar u yihiin inay sii adkeeyaan xiriirkooda si loo wada gaaro horumar dhaqaale.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad oo dalka ku joogo booqasho rasmi oo saddex cishe ah.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House , Xuseen Maxamad ayaa sheegay in labada mas’uul ay sidoo kale ka wada hadleen sare u qaadidda iskaashiga dhanka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee ICT-da, ganacsiga, maalgashiga, wax soo saarka beeraha,kalluumeysiga, caafimaadka, gaadiidka iyo ilaalinta keymaha.
Ruto iyo Abiy Axmad ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo isdhexgalka shacabka iyo dardargelinta howlaha ganacsi ee labada waddan.
Kenya ayaa mar kale xaqiijisay in muwaadiniinta Itoobiya ay si lacag la’aan ah ku helayaan ansixinta safarrada ee elektoroonigga ee loo yaqaano ETA.
Sidoo kale waxay isku afgarteen ilaalinta amniga, nabadgalyada iyo xasiloonida gobolka iyo tixgelinta gobonnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalalka qaaradda.