Kenya iyo Israa’iil oo ku heshiiyay xoojinta iskaashiga ganacsi

0
264

Ka dib kulan ay yeesheen madaxweynaha dalka William Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayay labada dhinac ku heshiiyeen inay sare u sii qaadaan iskaashiga ganacsi ee ay wadaagaan.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in laga wada faa’iidaysto fursadaha jira.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in badeecooyin badan oo lagu soo saaro gudaha wadanka la doonaya in loo iibgeeyo suuqyada Israa’iil.
Sidoo kale waxaa uu caqabad wayn ku tilmaamay inuusan jirin duullimaad toos ah oo u dhexeya Kenya iyo Israa’iil tani oo sida uu hadalka u dhigay saameyn ku leh arrimaha ganacsiga iyo dalxiiska.
Ruto iyo Netanyahu ayaa isku afgartay in meesha laga saaro xadidaadda dhanka ganacsi.
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in Kenya iyo Israa’iil ay labaduba leeyihiin goobo caalami oo loo soo dalxiis tagi karo.
Waxaa uu ku celceliyay in haddii aanan si xor ah la isugu furin dhaqdhaqaaqa shacabka iyo ganacsiga labada dhinac in dalxiiska uu noqonaya mid si wayn loo xaddiday.
Kenya ayaa hadda Israa’iil u dhoofisa badeecooyin qiimahoodu yahay 1.1 bilyan oo shilin iyadoo dhankiisa laga keena badeecooyin qiimahooda sanadlaha uu yahay 7.5 bilyan.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benhamin Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay inuu Kenya ku taageero la dagaalanka argagixisada , ka hor tagga xagjirnimada iyo mayal adeeyga rabshadeysan.