Kenya iyo Ingiriiska oo xoojinaya iskaashiga amni

0
308

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki iyo dhigiisa Ingiriiska Tom Tugendhat ayaa wada saxiixday heshiis sare loogu qaadaya wada shaqeynta dhanka amniga ee labada waddan.
Heshiiskan ayaa lagu gaaray daarta Harambee House ee magaalada Nairobi.
Is-afgaradkan ayaa looga gol-leeyahay ka hor tagga khatarrada amni ee heer gobol iyo heer caalami labaduba.
Kindiki ayaa sheegay in heshiiskan uu sii xoojinaya iskaashiga hadda ka dhexeya Kenya iyo Ingiriiska .
Wasiirka ayaa xusay inay dib u cusbooneysiiyeen heshiis dhanka amniga ah oo soo billowday sanadkii 2015.
Dhinacyada ay iska kaashan doonaan Kenya iyo Ingiriiska waxaa ka mid ah la dagaalanka argagixisada , dembiyada maaliyadeed iyo dembiyada laga gaysto waddamada kala duwan ee xuduudda wadaaga.