Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa qalinka ku duugay heshiis lagu xaqiijinaya amniga duullimaadyada.
Waxaa is afgaradkan wada saxiixday wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen iyo wasiirka amniga ee Ingiriiska Tom Tugendhat.
Labada mas’uul ayaa saxiixay dib u cusbooneysiinta heshiiska badqabka dhanka duullimaadyada ee Kenya iyo Ingiriiska.
Murkomen ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in tallaabadan ay muujinaysa sida labada dowladood ay uga go’an tahay dhaqangelinta qaraarka golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee loo yaqaano qorshaha amni ee ICAO.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka ayaa intaasi ku daray in heshiiska uu Kenya iyo Ingiriiska u fududeynaya inay ka wada shaqeeyaan danahooda dhanka amni ee duullimaadyada iyadoo loo maraya nidaamyada caalamiga ah.
This afternoon together with my United Kingdom (UK) counterpart Minister of State (Minister for Security), The Rt. Hon. Tom Tugendhat MBE VR MP we signed the renewal of the Memorandum of Understanding (MoU) on Aviation Security between Kenya and the UK.
The MoU reaffirms the… pic.twitter.com/ulFmSqOIvk
— KIPCHUMBA MURKOMEN, E.G.H (@kipmurkomen) May 11, 2023