Kenya iyo Ingiriiska oo ka wada hadlaya xayiraado dhanka safarrada ah

0
628

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa sheegtay in dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ay ka wada hadli doonaan xayiraado dhanka safarrada ah oo dhawaan la shaaciyay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii boqortooyada Ingiriiska ay muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan qaybo ka mid ah wadanka oo ay ka mid yihiin ismaamullada Garissa, Lamu iyo Tana River cudurka COVID-19 awgiid.
Wasiirradda arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in ay kulan la qaadatay xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska Dominic Raab.
Labadan mas’uul ayaa ku heshiiyay in guddi iskudhaf ah loo saaro xallinta xayiraadaha ay ka mid tahay in saqda dhexe ee 9-ka bishan la joojiyo duulimaadyada caalamiga ee isku xiro labada wadan.