Kenya iyo Indonesia oo ku heshiiyay xoojinta iskaashigooda

0
155

Dowladaha Kenya iyo Indonesia ayaa ku heshiiyay inay sare u qaadaan iskaashiga ka dhexeya ee dhanka caafimaadka xoolaha.
Sidoo kale waxay doonayaan inay dhameystiraan wada shaqeyn laba geesood ah oo ku aaddan gaashaandhigga iyo ganacsiga.
Tani ayaa timid ka dib kulan ay xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne William Ruto iyo wasiirka arrimaha badaha iyo maalgashiga ee dalka Indonesia ,Luhut Binsar Pandjaitan.
Wasiir Luhut ayaa hoggaaminayay wafdi heer sare ah oo ka kooban wasiirro , mas’uuliyiin hay’adeed iyo wakiillada waaxyaha gaarka ah ee dalkaasi.
Wasiirka maalgashiga ee Indonesia ayaa intaasi ku daray in Kenya ay ku taalla meel istaraatiiji ah oo leh qiimo wayn oo dhaqaale marka la eego suuqyada waddamada dariska la ah.
Sidoo kale wasiir Luhut ayaa la kulmay dhigiisa ganacsiga iyo maalgashiga ee Kenya , Moses Kuria iyo wasiirro kale.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo bisha Siddeedaad ee sanadkan lagu wado in madaxweynaha wadanka Indonesia , Joko Widodo uu safar ku imaado Kenya.