Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee UAE-da ay garab ku siin doonto sidii loogu guulaysan lahaa shir qabsoomi doono inta u dhexeysa 30-ka bisha 11-aad ilaa 12-ka bisha Diseembar ee sanadkan.
Shirweynaha oo loo yaqaano COP28 ayaa looga arrinsan doonaa wax ka qabashada isbeddelka ku yimaado cimillada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in kulanka lagu qabto magaalada Dubai ee Imaaraadka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay inay qasab tahay in shirka laga soo saaro qodobbo u cuntamaya dhammaan daneeyayaasha ka qayb galaya ee isugu jiro waddamada horumaray iyo kuwa uu dhaqaalahooda soo kobcaya.
Ruto ayaa xusay in isbeddelka cimillada uu khatar ku yahay dalalka caalamka oo dhan sidaasi awgeedna aynan madaxdu u furnayn fursad ay eedeymo dusha isaga tuuri karaan.
Waxaa uu madaxweyne Ruto hoosta ka xarriiqay inay rajeynayaan shirweyne xal dhaqangal ah loogu heli doono caqabaddan.
Madaxweynaha dalka ayaa arrintan ka hadlay ka dib kulan uu la qaatay Dr. Sultan Al-Jebr oo ah wasiirka wasaaradda warshadaha iyo iskaashatooyinka ee Imaaraadka sidoo kalena ah madaxa shirweynaha COP28.
KENYA WILL WORK WITH UAE TO MAKE COP28 A SUCCESS
Kenya will partner with the United Arab Emirates to make the 28th United Nations Climate Change Conference in December a win-win outcome for all, President @WilliamsRuto has said.
The President said the pre-conference climate… pic.twitter.com/RPMbYsX3hQ
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 21, 2023
Dr Al-Jaber said a united front at COP28 will provide the necessary solutions and "deliver a game-changing COP28".
He said the UAE is seeking to invest in Kenya's renewable energy resources. pic.twitter.com/V9bBjzk2s7
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 21, 2023