Kenya iyo Iiraan oo wada saxiixday 5 heshiis

0
379

Madaxweynaha dalka William Ruto oo saaka xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay dhigiisa wadanka Iiraan Ebrahim Raisi ayaa sheegay inay wada saxiixdeen heshiisyo gaaraya shan.
Kenya iyo Iiraan ayaa ku heshiiyay inay iska kaashadaan arrimaha warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee ICT-da.
Waxay sidoo kale ka wada shaqeyn doonaan sare u qaadidda ganacsiga kalluunka , wax soo saarka xoolaha, caafimaadka xoolaha iyo xoojinta maalgashiga.
Ruto iyo Raisi oo warbaahinta la hadlay ka dib kulanka ay yeesheen ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya iyo Iiraan ay dhinacyo badan iska kaashadaan sidaasi awgeedna ay isku afgarteen in xiriirkan la sii adkeeyo.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay magaalada Mombasa ka hirgelin doonto shirkad soo saareysa baabuurta.
Waxaa uu kula taliyay in xukuumadda Tehraan ay ka faa’iidaysato canshuurtii la xiriirtay soo saaridda daawooyinka ee meesha laga saaray oo ay gudaha Kenya ka hirgeliso warshad soo saarta daawooyinka.
Madaxweyne Ruto ayaa intaasi ku daray in Kenya iyadoo ka faa’iidaysanaysa xiriirka wanaagsan ee kala dhexeya iiraan ay badeecooyinkeeda sida caleenta shaaha u iibgeyn doonto ilaa 12 waddan oo ku yaalla qaaradda Aasiya.
Waxaa uu dhigiisa Iiraan uga mahadceliyay inuu go’aansaday in safarkii saddexda cishe ah ee uu ku maraya qaaradda Afrika uu ka billaabay Kenya tani oo uu Ruto xusay inay qaranka sharaf u tahay maadaama Ebrahim Raisi uu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Iiraan ee muddo 11 sano ah booqasho ku yimaado Afrika.