Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay sare u qaadaysa iskaashiga dhanka la tacaalidda cunno yarida ee kala dhexeya Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee adduunka ee FAO.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maanta wadanka Talyaaniga ku kulmeen madaxweynaha Kenya William Ruto iyo agaasimaha guud ee hay’adda FAO ,QU-Dongyu.
Labada mas’uul ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga wada go’an tahay xoojinta wada shaqeynta Kenya iyo FAO si gaar ah nidaamyada soo saaridda cunnada ee beeraha iyo hal abuurka la xiriira si wax soo saarkan loo wanaajiyo.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in helidda cuntada uu yahay qodob muhiim oo qayb ka ah wada hadallada caalamka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Kenya ay sii ballaarinaysa dhinacyada ay la kaashato FAO si looga guulaysto gaajada oo ay dhamaan dadweynaha si waarta u helaan cunno ku filan.
Sanadkii hore ayay ahayd markii ay hay’adda FAO cusbooneysiisay mid ka mid ah iskaashiyadeeda shanta sano ah kaasoo la xiriira dabagalka iyo qiimeynta siyaasadaha cunnada iyo beeraha ee (MAFAP).
Waxaa qorshahan ku xusan in dowladda Kenya ay isbeddel ku sameyso siyaasadeeda cunnada iyo beeraha si loo dardargeliyo isbeddel loo dhan yahay oo faa’iidooyin u leh dhaqaalaha , helidda cunnada iyo nafaqada.
Muddo shan sano ah, Barnaamijka MAFAP ayaa Kenya ka caawin doono dabagalka , mudnaan siinta iyo wax ka beddelka xeerarka iyo maalgashiga dhanka cunnada iyo beeraha ah si gacan looga gaysto dhaqangelinta istaraatiijiyadda horumarinta waaxda beeraha iyo kobaca ee (ASTGS).
Kulanka maanta dalka Talyaaniga ku dhex maray madaxweyne William Ruto iyo agaasimaha guud ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sida ay labadan dhinac iskaga kaashan karaan la socodka isticmaalka lacagaha dadweynaha si loo fahmo halka ay qarashaadka ku baxaan, waxyaabaha mudnaanta la siinaya iyo caqabadaha ka jiro heer qaran iyo ismaamullada labaduba.
Maamulka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa horay u sheegay inuu qaadaya tallaabooyin lagu xaqiijinaya in shanta sano ee soo socoto ay Kenya iskaga filnaato soo saaridda cuntada.




