Kenya iyo Ghana oo wada saxiixday heshiisyo gaaraya 7

0
268

Dowladaha Kenya iyo Ghana ayaa wada saxiixday ilaa toddobo heshiis oo la doonaya in lagu xoojiyo xiriirka ka dhexeeya.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo safar ku jooga Ghana ayaa sheegay in heshiisyadan ay ka mid yihiin kuwo ay gaareen ururrada ganacsiga ee labada waddan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay sare u qaadaysa iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee laba geesoodka ah.
William Ruto ayaa ujeeddada laga leeyahay is-afgaradkan ku sheegay in la ballaariyo fursadaha ganacsiga ee u furan shirkadaha gaarka ah iyo shacabka Kenya iyo Ghana.
Heshiisyada kale ee ay labada dowladood qalinka ku duugeen waxaa ka mid ah inay ka wada shaqeyn doonaan dhanka sayniska iyo tiknolojiyadda, dalxiiska , waxbarashada , maamulka iyo difaaca.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in xilli ay isaga iyo dhigiisa Ghana Nana Akufo-Addo wada hadal yeesheen ay u soo baxday in is-afgaradyadan ay muhiim u yihiin xiriirka dibloomaasiyadeed ee taariikhiga ah.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay dowladda Ghana meesha uga saartay shuruudaha dal ku galka ee dhammaan shacabka qaaradda Afrika ee halkaasi tagaya.
Qorshahan ayaa la gabagabeyn doonaa dhammaadka sanadkan.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo isdhexgalka muwaadiniinta dalalka Afrika.
William Ruto ayaa tilmaamay in go’aankan uu yahay mid la jaanqaadaya hadafyada aagga ganacsiga xorta ah ee Afrika si qaaradda loogu abuuro suuq ay ku mideysan tahay sidoo kalena loo fududeeyo kobac dhaqaale , shaqo abuur iyo cirib tirka saboolnimada.
Bishii Koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay Kenya qaadday tallaabo la mid ah tan Ghana.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dadweynaha oo loo oggolaaday in ay si xor ah isugu socdaalaan ay horseedday kobac ganacsi, maalgashi iyo dalxiiska Kenya iyo Ghana.
Waxaa uu ku celceliyay in labada waddan ay ka faa’iidaysan doonaan fursadaha ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika si ay u sii adkeeyaan ganacsiga ka dhexeeya.
Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto daahfuray shixnaddii ugu horreysay ee caleenta shaaha ee ay Kenya u iibgeysay Ghana.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in labada dowladood ay ka go’an tahay inay iska kaashadaan la tacaalidda iskudhacyada maxalliga ah, dagaallada, argagixisada iyo xagjirnimada rabshadeysan.
Tani ayaa la doonaya in lagu xaqiijiyo nabad galyada iyo xasilloonida si loo dardargeliyo horumarka gobolka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in laba jibbaar laga dhigo dadaallada wax looga qabanaya adeegsiga hubka si Afrika ay u gaarto kobac dhaqaale.
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadlay baahida loo qabo in Midowga Afrika isbeddel lagu sameeyo.
Madaxweynaha dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa ballan qaaday inay taageerayaan musharraxnimada Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee sanadka 2025 ilaa 2028-ka.
William Ruto ayaa dhankiisa ballan qaaday in Kenya ay taageeri doonto musharraxnimada Ms Shirley Botchwey oo ah wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda iyo isdhexgalka gobolka ee dalka Ghana .
Haweeneydan ayaa loollan ugu jirto qabashada xilka xoghayaha guud ee dalladda waddamada barwaaqa sooranka ah ee Commonwealth inta u dhexeysa sanadkan 2024 ilaa 2029-ka.