Kenya iyo Cuba oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka ka dhexeya

0
322

Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa xaqiijiyay inay ka go’an tahay sare u qaadidda xiriirka ay wadaagaan ee dhanka siyaasadda , caafimaadka , dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr .Alfred Mutua uu la yeeshay dhigiisa Cuba, Bruno Rodriguez .
Shirka ayaa ka qabsoomay caasimadda wadanka Cuba ee Havana.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in labada wasiir ay sidoo kale ka wada hadleen sida la isku dhaafsan karo barnaamijyo caafimaad, ganacsi iyo deeqaha waxbarasho.
Alfred Mutua iyo Bruno Rodriguez ayaa sidoo kale isla eegay sida ay ku suurtageli karto in kenyaanka ay u safraan Cuba iyagoo aan lagu xirin dal ku gal.
Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha dalka Cuba ,Miguel Díaz-Canel oo uu la wadaagay dhambaal gaar ah oo uu uga siday hoggaamiyaha wadanka William Ruto.
Waxay wasiirka iyo hoggaamiyaha dalkaasi ka wada hadleen iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee labada waddan iyo xaaladda dhakhaatiirta Cuba ee ku sugan gudaha Kenya.