Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay sare u qaadidda xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeeya Braziil .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay kobcinta maalgashiga dhanka beeraha , tiknolojiyadda , waxbarashada iyo ganacsiga.
Arrintan ayuu ka hadlay ka dib kulan uu la qaatay dhigiisa dalka Braziil Luiz Inacio Lula.
Madaxweyne Ruto ayaa xusay in qorshuhu uu yahay in Kenya iyo Braziil ay soo wada dhisaan guddi heer wasiirro ah .
Waxaa uu tilmaamay in guddigan uu ka shaqeyn doono sii xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah gaar ahaan dhinacyada tacliinta iyo ganacsiga labada waddan.
Madaxweyne William Ruto oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Braziil ay diyaar u tahay inay taageerto qorshaha horumarineed ee qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Braziil Luiz Inacio Lula ayaa lagu casuumay inuu khudbad ka jeediyo kalfadhiga golaha madaxweynayaasha iyo dowladaha ka tirsan Midowga Afrika ee ka socdo dalka Itoobiya.
Braziil ayaa hadda ah guddoonka dalladda 20-ka waddan ee ugu horreeya caalamka dhanka dhaqaalaha ee G20 waxayna marti gelin doontaa kulan sanadla ah oo 21-ka iyo 22-ka bishan Labaad ka qabsoomi doono magaalada Rio de Janeiro .
Waxaa shirkaasi ka qayb geli doono wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka dunida ugu horreeya dhinaca dhaqaalaha si ay uga arrinsadaan arrimo degdeg ah oo xubnaha ay wajahayaan.